Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Lafta Gareen oo farriin u diray dhiggiisa Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo maanta warbaahinta kula hadalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa farriin culus u diray dhiggiisa Jubbaland Axmed Madoobe.

Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa sheegay in Axmed Madoobe ay kala shaqeynayaan sidii ay Jubbaland ugu soo noqon laheyd sideedii hore, si looga gudbo marxalada uu ku jiro dalka.

“Waa kala shaqeynayaa nabadda iyo sidii Jubbaland teedi ku soo noqon laheyd, dadkaas walaalaha ahna nabad ku wada noolaan lahaayeen, uma baahna maanta dad walaala ah oo xabad isku ridaya oo la yihaado ciidan baa soo socda, intii hore nagu filan, waxaan jecelnahay inay nala qaadan doonaan, anaga reer Koonfur Galbeed ahaan ayaa isku xilqaami doona,” ayuu yiri madaxweyna Lafta Gareen.

Sidoo kale wuxuu hadal qaaday khilaafka ka taagan doorashada iyo walaaca siyaasiyiinta, waxaana uu tilmaamay in ay mas’uuliyad iska saari doonaan sidii loo heli lahaa xal waara.

“Waxaa rabnaa inaan mas’uuliyad gooni iska saarno dhawaaqa iyo walaacii dadkii siyaasiyiinta ee xamar joogay ee cabashada ka qabay dorashooyinka una baahan in la isku qnaciyo la wada hadlo, waa tii aan horay u balanqaadnay waa u istaageynaa, waxa nagu muhiimsan waxay tahay sidii horay u ahaan jirtay inay dooarasho dhacdo si nabad ku dhacdo, waqtigeedana ku dhacdo ninka alle nasiibkiisa u qadaro uu Madaxweyne noqdo, marka doorashada meesha ay ka bilaaban jirtay qeylada oo la gaarin ayay qeylo bilaabatay waxaa jecelnahay inaan ayadana xalino”ayuu sii raaciyey madaxweynaha K/ Galbeed.

 

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan dalka uu ka jiro khilaaf xoogan oo ku aadan hannaanka loo wajahayo doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this