Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo ‘afduub’ u geystay mas’uul ka tirsan dowladda Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay weerar qorsheysan ku qaaday deegaan ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxa ayna Al Shabaab beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada Booliiska ee dowlada Kenya.

War ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, islamarkaana lagu baahiyey Internet-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay weerar ku qaadeen deegaanka Gummarey oo hoostaga magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in muddo kooban ay la wareegtay gacan ku heynta deegaankaasi oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamada Kenya.

Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay nolosha ku qabteen, lana tageen guddoomiyihii deegaanka Gummarey, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wa hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Kenya oo ku aadan weerarkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro khasaara geysta ka fuliyo gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this