Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo weli ka jira xadka Somalia & Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhaq-dhaqaaqyo milatari oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu soo warramayaa in weli laga dareemayo xadka ay wadaagaan labada dal.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandera oo kala tirsan labada dal.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay in saacadihii u dambeeyey ay ciidamo badan geysay degmada Beledxaawo, kuwaas oo ka yimid dhinaca degmooyinka Luuq iyo Duulow, si ay xoojiyyaan ciidamada ku sugan halkaasi.

Sidoo kale Kenya ayaa dhankeeda dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul xoogan ka wada dhinaca magaalada Mandera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari, halkaas oo iyana lagu arkayo diyaarado dagaal, gaar ahaan nooca Helicopter-ka ah oo joog hoose ku duulaya.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyadoona dadka deegaanka ee ku dhaqan xadka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this