Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Itoobiya ee qeybta howl-galka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Halgan oo katirsan gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in weerarka, kadib uu dagaal toos ah ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this