Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ciidamo kala dhex-dhigtay askar ku dagaalantay Kaaraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay ciidamo kala dhex-dhigtay askar shalay ku dagaalantay xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Ciidamada la geeyey halkaasi oo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya ayaa waxaa horkacaya Janeraal Gacma-dulle, iyaga oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

U jeedka ayaa ahaa sidii looga hortagi lahaa in markale dagaal uu ka dhacay degmada Karaan, iyada oo shalay askarta dagaalantay ay isku hayaan dhul ku yaal degmadaasi.

Dagaalkii shalay oo muddo saacado ah socday ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof oo isugu jira dhinacyadii diriray iyo dad shacab ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this