Sign in to follow this  
Deeq A.

Hayada Unicef oo Heshiis Noociisu ku cusub yahay Dunida la gashay kooxda Taliban ee Hawlgalada & Weerarada ka fulisa Gudaha dalka Afganistaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Unicef oo Heshiis Noociisu ku cusub yahay Dunida la gashay kooxda Taliban ee  howlgalada & Weerarada ka fulisa Gudaha dalka Afganistaan

 unicef.jpg

UNICEF ayaa heshiis naadir ah la gashay kooxda Taliban ee ka howlgasha dalka ay dagaaladu halakeeyeen ee Afghanistan, si kumanaan iskuullo aan rasmi aheyn looga hirgeliyo deegaannada ay ka taliso kooxdan kacdoonka wadda.

Barnaamijkan waxbarasho ayaa gaari doonaa ilaa iyo 140,000 oo isugu jira wiilal iyo gabdho reer Afghanistan ah, ayay tiri Sam Mort, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska UNICEF ee dalkan ku yaalla gobolka koonfurta Asia, halkaas oo lagu qiyaaso in caruur dhan 3.7 milyan aysan waxbaran.

“Iyadoo loo marayo heshiiskan, UNICEF waxa ay taageeri doontaa abuuritaanka 4,000 oo fasallo waxbarasho oo ku baahsan gobollada Helmand, Kandahar, Uruzgan iyo Faryab,” ayuu Mort u sheegtay VOA, iyada oo carabaabaysa afarta gobol ee Taliban ay ka taliso ama haysato dhul ballaaran.

Sarkaalka UNICEF ayaa sheegtay in hadda ay jiraan 680 fasallo ceynkan oo kale oo aan rasmi ahayn kuwaasi oo ka jira gobolladan. Laakin waxa ay intaa raacisay in heshiiskan uu gaarsiin doono iskuullada ilaa 4,000. Mort ayaa xustay in fasal walba uu qaadi karo ilaa 35 arday, waxaana la filayaa in casharadu ay bilowdaan bisha March ee 2021-ka markaa oo sanad dugsiyeedka cusub uu ka bilaabmayo Afghanistan.

Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa xaqiijiyay heshiiska ay kooxdiisu la gashay UNICEF.

“Waxaan rumaysannahay in ay tahay talaabo wanaagsan, waxaanan diyaarin doonaa aasaas suurtagelin kara in iskuulladan laga hirgeliyo goobaha aan ka talino,” ayuu Mujahid u sheegay VOA.

Waxbarashada ku saleysan bulshada, oo ah in fasallo wax lagu barto laga hirgeliyo meelaha fogfog ama amni darada ah, tuulooyinka kala firirsan iyo meelaha kale ee aan adeegyadu gaarin, ayaa ah qaab waxbarasho oo ka duwan kan rasmiga ah ee Afghanistan, waxaana uu barnaamijkan ku guuleystay inuu gaaro caruurta aan iskuulka fursadda u helin, gaar ahaan gabdhaha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this