Deeq A. Posted December 19, 2020 Wararka naga soo gaarayo magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta qarax uu ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaaladaas. Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay laamiga Bacadada, halkaas oo uu ku yaallo Koontrool ay ciidamdu leeyihiin, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare soo gaaray ciidamada. Inta la xaqiijiyey hal askari oo ka tirsan ciidamada ayaa ku geeriyooday qaraxa ka dhacay magaalada, majiro wax khasaare ah oo lasoo sheegayo inuu soo gaaray dad shacabka ah ee ku sugnaa halkii ay wax ka dheen Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites