Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Saraakiishii lagu dilay qaraxii Gaalkacyo oo la aasay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Gaalkacyo saraakiishii qaranka ee ku shahiiday falkii argagixisadu shalay ka geysteen magaalada Gaalkacyo.

Salaadda Janaasada ayaa waxaa marxuumiinta wadajir ugu tukaday Ra’iisul Wasaaraha XFS , Madaxda Galmudug, Wasiirro ka tirsan dowladda federaalka, Puntland, Galmudug, Xildhibaanno heer federal, heer gobol iyo saraakiisha Ciidamadda. Waxayna Allah uga baryeen inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo guud ahaan dadkii ku dhintay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay in cadowga ummadda Soomaaliyeed aan looga hari doonin beegsiga haldoorka bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeenna uu Samir iyo iimaan ka siiyo. Isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marna ilaawi doonin halyeeyadii qaranka ka shahiiday.

 

2c09be06-1aec-467c-b33a-2cad1d1d48bc.jpg 06fb8ee1-862c-4af5-acef-4f2c383e30a1.jpg 6c618f67-bc30-431d-988e-577fd8e66ea7.jpg 35c0c00a-6d70-43f0-838f-ae8148a7097e.jpg 68b30950-0a09-4873-91ca-6299f78e595f.jpg 70c089ab-2ee7-4303-a46f-91e41a21a14f.jpg 0679e9bc-45b7-4edc-af6f-e7fabdf13636.jpg 920b850a-6982-4ace-a0fa-a815eed56fd5.jpg 4163f182-b58a-4cf2-b28b-fad1c1797d2d.jpg 9175a894-3fd8-417b-8872-5af901e14477.jpg 17885fa0-57c8-4eaa-86c2-c06b6483e5fd.jpg 590806f8-a115-44cc-a605-5ea9f21f332c.jpg ce485d8b-d8ce-460d-ae63-3a7b88b82dad.jpg ce1405a2-b0cb-4e92-978a-37160938c241.jpg e56dfbfe-ca5c-465d-a159-49101ef91b90.jpg e5524ee0-3e73-48f5-9d10-dc66d90762f0.jpg e4470335-c764-4f45-bd66-1bcd3f99b5c8.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this