Deeq A. Posted December 19, 2020 Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta oo Sabti ah gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaas oo soo dhowayn loogu sameeyay. Soo dhoweynta Madaxweyne ku-xigeenka Puntland waxaa ka qeybgalay xubnaha goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka, kan degmada, Saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Boosaaso. Mudane Axmed Karaash ayaa mudda kooban safar shaqo ku joogi doona magaalada Boosaaso waxaana la filaya in uu halkaas kulamo kala duwan kula yeesho mas’uuliyiinta degmada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gaaray Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites