Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo Madaxweyne Farmaajo ku eedaysay in uu dagaal qabiil ka wado Gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedaysay in uu dagaal qabiil ka wado Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jubaland waxay sheegtay, in Ciidamada Madaxweyne Farmaajo geeyay Gobolka Gedo uu qiil uga dhigay in ay Kenya ka difaacayaan Xuduudka Beledxaawo, balse waxay tilmaantay in taasi been tahay, maadaama Xadka Kenya iyo Soomaaliya uu dhanyahay 850KM, halka Madaxweyne Farmaajo difaacayana ay dhantahay 7KM.

Dowlad Goboleedka Jubaland, waxay sidoo kale caddaysay, in iyadoo tix-gelinaysa Qarannimada iyo Wadajirka Soomaaliya aysan haddana ogolaan doonin in Ciidamo lagu khalkhal geliyo Amniga Gobollkaas.

Sidoo kale, waxay Dadka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ogaysiisay, in cawaaqib-xumada ka dhalata xaaladda ka aloosan Gedo uu mas’uuliyadeeda qaadayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka akhriso Qoraalka

Jubaland.jpg?resize=1000%2C1294&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo Madaxweyne Farmaajo ku eedaysay in uu dagaal qabiil ka wado Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this