Deeq A. Posted December 19, 2020 (SLT-Hargeysa)-Wafti uu hogaaminayay Wasiirka arrimaha Dibada ee Wadanka Malawi Francis Kasaila ayaa saaka Ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka oo ay waftigiisan ku wehelinayeen Xubno ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi waxa garoonka diyaaradaha Ee Hargeysa ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo xubno Kale. Waftigan ayaa la filaayaa in ay la kulmaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo golayaasha xeerdajinta Qaranka Somaliland. Source Share this post Link to post Share on other sites