Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka oo baxaya qarax ka dhacay magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo ka mid ahaa maleeshiyaadka  Macawiisleyda ee ka dagaalama gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo howl-gallo ka sameeyey xaafadda howl-wadaag oo ka tirsan magaaladaasi.

Beledweyne ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this