Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo burburiyey is-gaarsiin ku taalla KENYA

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ka fuliyeen duleedka magaalada Mandera oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku ekeeyeen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Safaricom ay ku laheyd halkaasi.

Nyamboka Mound oo ah guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Mandera ayaa wariyeyaasha u sheegay in dagaalyahanadu ay cagta mariyeen xaruntaasi isgaarsiineed, bals wuxuu shaaciyey in weerarka uusan geysan wax khasaare nafeed ah.

“Xarun isgaarsiineed ayaa gebi ahaanba la burburiyay kadib markii dabley hubeysan ay soo weerareen,nasiib wanaag ma jiro cid wax ku noqotay.”ayuu yiri Nyamboka Mound.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ciidamada Booliiska Kenya ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarkaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fuliya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

mast3.jpg mast4.jpg mast1.jpg mast2.jpg

 

The post Al-Shabaab oo burburiyey is-gaarsiin ku taalla KENYA first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this