Sign in to follow this  
Deeq A.

Galkacyo oo Kala Xiran, Meydadka oo La Aasayo iyo Dhaawcayada oo Lasoo Qaadayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa saaka xiran ganacsiga, isku socodka bulshada iyo waxbarashada Koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaana ka socda  diyaarinta aas loo samaynayo dadkii  ku geeriyooday qaraxii shalay  ka dhacay xili ay socotay soo dhoweyn.

Qaraxii shalay ka dhacay Gaalkyo ayaa waxaa ku geeriyooday 14 ruux oo ay ku jiraan saraakiil ciidan oo xoogga dalka ah, ciidanka dhintay waxaa ay ka tirsananaayeen xoogga dalka iyo sidoo kale maamullada Galmudug iyo Puntland, oo iska kaashanayey soo dhoweynta ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada iyo dadka kale ee dhaawaca ah loosoo qaadayo magaalada Muqdisho iyo meelo kale.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this