Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ku dhowaaqday tallaabo ay qaadeyso oo jawaab u ah Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markale ka hadashay arrimo ku aadan xiriirkii go’ay ee Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan go’aankii ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee xiriirkii diblomaasiyadeed loogu jaray xukuumadda Nairobi.

Afhayeenka Kenya Col. Cyrus Oguna oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa shaaciyey tallabada ay qaadeyso dowladdiisa, kadib go’aankii Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in iyaguna ay cabashadooda u gudbin doonaan IGAD,COMESA iyo African Union.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin labo dal oo daris ah, islamarkaana ay dowladda federaalka ku deg-degtay go’aankeeda, sida uu hadalka u dhigay.

Col. Cyrus Oguna ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in aysan marnaba ka aarsan doonin Soomaaliya oo uu ku tilmaamay dal saaxib dhow la’ah Kenya.

“Dowlada Soomaliya waa ay deg degtay ma aheyn, Anagoo Walaalahood ah in ay xiriirka noo Jaraan, waxaan nahay  deris iyo Saaxiibo aan kala maarmin hadana kama aarsan doono balse waxaan Cabashadeena u gudbin doonaa IGAD,COMESA iyo African Union si naloo heshiisiiyo,” ayuu yiri afhayeenka dowladda Kenya Col. Cyrus Oguna.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu haatan meel xun marayo khilaafka u dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Kenya oo horey u kala rartay safaaradaha, waxaana xiisada labada dal ay kulan ka yeelanayaan dalalka IGAD, kaas oo ka dhacaya wadanka Jabuuti.

The post Kenya oo ku dhowaaqday tallaabo ay qaadeyso oo jawaab u ah Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this