Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo arrin halis ah ku eedeysay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya uga digtay dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ciidamadeeda ka wadaan xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

War ka soo baxay dowladda federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in Kenya hub iyo maleeshiyaad ay ku soo daad gureysay magaalada Mandera, si ay duullaan ugu soo qaadaan magaalada Beled Xaawo oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Kenya inay hubeyneyso jabhado ay si sharci darro ah ugu marti gelisay dalkeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijineyso madaxbanaanideeda siyaasadeed, dhuleed iyo ilaalinta sharafkeeda.

Halkan ka Akhriso qoraalka:-

Dowldda Federaalka Soomaaliya waxay si dhaw ula socotaa abaabulka militari ee ay Dowladda Kenya maalmahan ka waddo aagga Mandera iyada oo hubeynaysa jabhad ay si sharci darro ah dalkeeda ugu martigelisay si xasillooni darro looga abuuro gudaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogaatay in Ciidamada Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga digeysaa Dowladda Kenya ficillada gurracan ee ay ku wiiqayso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, waxayna mar kale ku celinaysaa in ay Kenya ka fiirsato faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ka dhalan karto xasillooni darro saameyn ku yeelata amniga Gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadeysaa tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

war-saxafadeed.jpg

The post DF Soomaaliya oo arrin halis ah ku eedeysay Kenya first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this