Sign in to follow this  
Deeq A.

Danab oo shaaciyay in ay laayeen saraakiil Shabaab ah kuwa kalena nolosha ku qabteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab, ayaa shaaciyay in ay hawgal qorshaysan ku dileen saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab.

Hawlgalka oo laga fuliyay nawaaxiga degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose, waxa lagu dilay ilaa 16 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, oo ay ku jiraan saddex horjooge sida laga soo xigtay Danab.

Taliska Danab waxay sidoo kale sheegeen, in ay nolosha ku qabteen lix xubnood oo Al-shabaab ah, ayna burburiyeen xaruntii Al-shabaab ee degmada Jamaame, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin.

Warkan ayaa ku soo beegmay, saacado kadib Qaraxii ka dhacay Gaalkacyo, kaas oo ay ku dhinteen saraakiil ka tirsanaa Ciidamada dowladda, gaar ahaanna Kumaandooska Danab.

PUNTLAND POST

The post Danab oo shaaciyay in ay laayeen saraakiil Shabaab ah kuwa kalena nolosha ku qabteen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this