Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Yaman Iyo Mucaaradka Ka Soo Horjeeday Oo Heshiis Awood Qeybsi Ah Gaadhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yeman)-Dowladda Yemen ee caalamku uu aqoonsan yahay balse ka talin inta badan dalka Yemen iyo koox gooni u goosad ah oo ka soo horjeeday ayaa heshiis awood qeybsi ah ku gaadhay dalka Sacudi Carabiya.

Heshiiskaan ayay dhinacyada saxeexay ku kala qeybsadeen golaha wasiiradda ee dowladda.

Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Abd-Rabbu Mansour Hadi, ee xarunteedu yahay magaalada Caden iyo Kooxda Gooni-u-goosadka oo labaduba xulafo la ah Isbaheysiga, ayaa bilooyinki ugu danbeeyay ku dagaalamay gobollo ka tirsan koofurta Yemen.

Bayaan kasoo baxay xafiiska madaxweyne Hadi ayaa lagu sheegay, in raysal wasaaraha cusub loo magacaabay Maeen Abdulmalik kaas oo hoggaamin doona golo wasiirro oo ay ku jiraan shan wasiir oo kala matalaya xisbiyada siyaasadeed ee ugu weyn Yemen, kuwaasoo ay mid yihiin STC iyo xisbiga Islax.

Madaxweyne Hadi ayaase ku guuleystay inuu ceshto wasiirradiisii muhiimka ahaa, sida wasiirka gaashaandhiga, kan arrimaha gudaha, dibadda iyo maaliyadda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this