Deeq A. Posted December 19, 2020 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Saraakiishii iyo dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in falkaas uu ahaa mid ka fog naxariista, diinta iyo dhaqanka suubban ee ummaddaha Islaamka, isla markaana muhiim ay tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in ummadda Soomaaliyeed iyo dowladuba ay diyaar u yihiin sidii dalka looga saari lahaa dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites