Deeq A. Posted December 19, 2020 Wararka naga soo gaaraya Mudug ayaa sheegaya in ciidamada xasilinta gobolkaasia ay bandow ku soo rogeen koonfurta Gaalkacyo, kadib qaraxii ka dhacay magaaladaasi. Ciidamada ayaa sidoo kale howl-gallo lagu baadi goobayo dadkii soo abaabulay weerarkaasi ka bilaabay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamada ay hakiyeen dhaq-dhaqaaq xaafadaha qaar, iyaga oo ka bilaabay howl-gallo loogu baarayo guri guri . Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada xasilinta ay howl-galladaasi ku soo qab qabteen tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano. Qaraxii is-miidaaminta ee shalay ka dhacay afaafka hore ee garoonka kubadda cagta Cabdullahi Ciise ayaa waxaa ku dhintay saraakiil sar sare iyo dad kale oo shacab ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites