Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo ka tacsiyeeyay Qaraxii Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska, ehelada shacabkii iyo Saraakiishii ku geeriyooday Qaraxii  ka dhacay magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Ciidanka Milateriga  geerida Taliyihii Qeybta 21-aad Ciidamada Gen Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Ciidanka Danab ee Qaybta Galmudug Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, Duqii Hore ee Magaalada Gaalkacayo -Puntland- Marxuum Maxamuud Yaasiin Tumey iyo sidoo kale dhammaan dadkii ku dhintay Qaraxaas.

Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Sidoo kale, Madaxweynaha  ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ay ka soo gaareen Qaraxa, in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan Cadowgooda.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo ka tacsiyeeyay Qaraxii Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this