Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo baaq ka soo saartay qaraxii Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16083208887021209.jpg?resize=720%

Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay qaraxii galabta ka dhacay goob uu hadal ka jeedin lahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku taala Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Bayaan kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM oo lagu daabacay barta Twetter-ka ayaa lagu yiri “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarkii lala eegtay maanta garoonka cayaaraha ee Gaalkacyo, kahor hadal jeedinta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, qaraxaasi oo sababay khasaare badan. Waxay Qaramada Midoobay ku baaqaysaa in kuwii ka danbeeyay dhagartaasi caddaaladda la hor keeno”.

.@UN in #Somalia strongly condemns the attack in #Galkaayo's stadium today, ahead of PM @MohamedHRoble's speech, which has reportedly caused many casualties. It calls for those responsible to be brought to justice and expresses its condolences to the victims and their families. pic.twitter.com/VOfjW1OKeO

— UNSOM (@UNSomalia) December 18, 2020

“Qaramada Midoobay waxay sidoo kale tacsi u diraysaa dadkii waxyeelladu soo gaartay iyo qoysaskooda” ayaa la sii raaciyay qoraalka UNSOM.

Inkastoo aan weli si rasmiya loo shaacin khaasaraha ka dhashay qaraxii galabta ka dhacay Gaalkacyo, ayaa haddana waxaa la xaqiijiyay geerida qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ku dhintay qaraxaas.

Saraakiisha ilaa iyo haatan la xaqiijiyay ee qaraxa ku dhintay waxa kamid ah Taliyihii Qaybta 21-aad ee Ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen. Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari), Taliyihii Ciidanka Danab Qaybta Galmudug Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aaden iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Qaybta Puntland Maxamuud Yaasiin Tumay.

Sidoo kale, askar iyo dad shacab ah ayaa la sheegay in dhimasho iyo dhaawac kala duwan ka soo gaaray qaraxaas oo lala beegsaday soo dhoweynta Ra’iisul wasaare Rooble oo Galabta soo gaaray Gaalkacyo gaar ahaanna dhinaca Koonfurta Gaalkacyo.

Madaxda sare ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarka galabta gilgilay Gaalkacyo.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo baaq ka soo saartay qaraxii Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this