Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo Galabta si wadajir ah loogu soo dhowaynayo Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
1-28.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1Sawirkan waa Garoowe

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Galabta oo Jimce ah ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha, ayaa haatan ka socota dhinaca Koonfurta Gaalkacyo, halkaas oo ay si wadajir ah ugu soo dhowayn doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee Bulshada labada dhinac.

Wefdiga Ra’iisul wasaaraha, waxa Gaalkacyo uga sii horreeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamed Cabdirisaaq Abuukar iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo haatan ka qayb-galaya soo dhowayntiisa.

Mudane Rooble, ayaa la filaya mudada uu Gaalkacyo joogo in uu booqdo labada dhinac ee magaalada, islamarkaana kulamo kala duwan la yeesho Mas’uuliyiinta iyo shacabka labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo Galabta si wadajir ah loogu soo dhowaynayo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this