Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub oo badankoodu karantiil galay Macron Dartii

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub oo badankoodu karantiil galay Macron Dartii

Macron ayaa kulan fool ka fool ah kala qeybgalay madaxda Midoowga Yurub
Macron ayaa kulan fool ka fool ah kala qeybgalay madaxda Midoowga Yurub

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Yurub ayaa is karantiilaya kaddib markii Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, laga helay Covid-19.

Mr Macron, oo 42 sano jir ah, ayaa is karantiili doona muddo toddoba maalmood ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Elysée Palace.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa maalmihii la soo dhaafay ka qeyb galay dhowr kulamo oo heer sare ah, oo uu ku jiro kulankii Midowga Yurub.

Kaddib markii laga helay, dhowr kale oo hoggaamiyeyaasha Yurub ah, oo uu ku jiro Ra`iisul Wasaaraha Spain, ayaa sheegay inay is karantiili doonaan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maanta laga helay Covid-19,” Aqalka Elysée ayaa sidaas sheegay subaxnimadii shalay.

Xaaska madaxweynaha Faransiiska Brigitte Macron, oo 67 jir ah, ayaa is karantiileysa balse lagama helin wax calaamado ah.

Weli lama oga sida Mr Macron uu ugu dhacay fayraska balse isagoo xafiiskiisa ku sugan ayuu sheegay inuu kala ogaanayo cidda uu si dhow ula kulmay.

 

Talaadadii Madaxweyne Macron ayaa martigeliyay madaxda guddiyada baarlamaanka Faransiiska, Isniintiina wuxuu martigeliyay xubno ka tirsan OECD.

Toddobaadkii la soo dhaafay, isaga iyo inta badan hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub, ayaa shir uga qeyb galay Brussels.

Yaa kale oo u baahan inuu is karantiilo?

Dadka kale ee is karantiilaya waxaa ka mid ah madaxa Golaha Yurub Charles Michel, Ra`iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez iyo Xoghayaha Guud ee OECD Angel Gurría, oo dhammaantood toddobaadkan la kulmay Madaxweyne Macron.

Mr Sanchez ayaa laga waayay fayraska, balse sida Mr Macron, gurigiisa ayuu ka soo shaqeyn doonaa isagoo karantiil ku jira.

Ra`iisul Wasaaraha dalka Burtuqaal António Costa, oo 59 jir ah, ayaa baajiyay dhammaan safarradii rasmiga ahaa, isaga oo is karantiilaya isla markaana sugaya natiijada, kaddib markii uu Arbacadii Paris kula qadeeyay Madaxweyne Macron.

Ra`iisul Wasaaraha Biljamka Alexander De Croo iyo Ra`iisul Wasaaraha Luxembourg Xavier Bettel ayaa sidoo kale is karantiilaya kaddib markii ay la kulmeen madaxweynaha Faransiiska.

Warsaxaafadeed uu Mr Bettel soo saaray ayuu Mr Macron ugu rajeeyay “ka soo kabasho degdeg ah”.

Ra`iisul Wasaaraha Ireland Micheál Martin ayaa laga waayay Covid-19 balse wuu yareyn doonaa kulamada, sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Madaxweyne Macron (B) ayaa Isniintii la kulmay RW Spain Pedro Sánchez
Madaxweyne Macron (B) ayaa Isniintii la kulmay RW Spain Pedro Sánchez

Ra`iisul Wasaaraha Faransiiska Jean Castex, oo 55 jir ah, iyo afhayeen baarlamaani ah oo lagu magacaabo Richard Ferrand, oo 58 jir ah, ayaa sidoo kale is karantiilaya.

Mr Castex, oo aysan ka muuqan wax calaamado ah isla markaana fayraska laga waayay, ayaa lagu waday inuu Khamiista aqalka Senate-ka hor geeyo siyaasadda tallaalka Covid ee dowladda – haatan Wasiirka Caafimaadka Olivier Véran ayaa sameynaya beddelkiisa.

Faransiiska ayaa toddobaadkan dhexdiisa soo afjaray xayiraad lix toddobaad socotay, waxaana lagu beddelay bandow si wax looga qabto kiisaska fayraska ee kordhaya.

Mr Macron ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ka qeyb galay shir labo maalmood socday oo ay yeelanayeen madaxda Golaha Yurub, kaas oo maanta soo gabagaboobayay.

Si kastaba, madaxweynaha Faransiiska waxaa loo arkaa inuu kulankii Isniintii ku faafin karay fayraska, sida uu sarkaal sare oo Midowga Yurub ka tirsan u sheegay BBC-da.

Dhammaan tallaabooyinka faya-dhowrka ayaa la ilaaliyay intii uu socday kulantii toddobaadkii hore golahana lama ogeysiin qof ka mid ah ka qeyb galayaasha oo laga helay fayraska.

Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa Talaadadii xirneyd maaskarada wejiga iyadoo ku sugan shirka lagamana helin fayraska, saraakiisha Jarmalka ayaa sidaas sheegay kaddib markii ay maqleen warka ku saabsan Madaxweyne Macron.

Haweeney u hadashay madaxtooyada Faransiiska ayaa xaqiijisay in dhammaan safarradii Mr Macron, oo uu ku jiro mid uu 22-ka bishan ku booqan lahaa Lubnaan, la baajiyay.

Falanqeynta weriyaha BBC ee Paris

Aqalka Elysée ayaa sameynaya wax walba oo shaqada looga dhigi karo mid caadi ah. Haatanba Madaxweyne Macron ayaa shaqada ku soo laabtay, waxaana sida la qorsheeyay u dhacay kulan uu la lahaa wasiirradiisa dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda – inkastoo uu ka dhacay qol loo diyaariyay inuusan fayraska ka gudbin.

Waxaa la xoojiyay aragtida ah in shaqooyinka dowladdu ay haatanba u dhacayaan si laga feejignaanayo Covid – iyadoo lagu qabanayo shirar muuqaal ah, siadas darteed haddii aysan ka darin xaaladda madaxweynaha cidna ma adreemi doonto.

Farriintu way caddahay: Emmanuel Macron wuu yahay Madaxweynaha Faransiiska – balse marka laga hadlayo fayraska waa bani`aadam sida dadka kale. Sidaas darteed wuxuu ku dhaqmi doonaa shuruucda.

Waa kuwama hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka ee uu ku dhacay Covid?

Combo pic of world leaders how have caught Covid-19
Bidix ilaa midig: Boris Johnson, Jair Bolsonaro, Ambrose Dlamini iyo Donald Trump

Madaxweyne Macron wuxuu noqday madaxweynihii ugu dambeeyay caalamka ee laga helo coronavirus:

  • Ra`iisul Wasaare Ambrose Dlamini-ga dalka Eswatini (oo hore loo oran jiray Swaziland) ayaa Isniintii geeriyooday, afar toddobaad kaddib markii laga helay fayraska
  • Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa fayraska laga helay bishii October. Waxaa la siiyay dawooyin tijaabo ah kaddibna Aqalka Cad ayuu ku laabtay kaddib saddex habeen oo uu isbitaalka ku jiray
  • Madaxweynaha Poland Andrzej Duda ayaa bishii October laga helay fayraska wuuna is karantiilay
  • Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa labo biloow isbitaal u jiifay Jarmalka kaddib markii cudurka laga helay bishii October – toddobaadkii la soo dhaafay wuxuu markii ugu horreysay kaddib markii laga helay fayraska ka soo muuqday muuqaal, uu ku sheegayo inuu rajeynayo in degdeg uu ugu laaban doono Algeria
  • Madaxweynaha Guatemala Alejandro Giammattei ayaa fayraska laga helay September – inkastoo la sheegay inuu khatar aad ah ugu jiro haddana ma uusan soo ridan xanuunka
  • Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa laga helay bishii July in ka badan labo toddobaad ayuuna gurigiisa isku karantiilayay
  • Bishii June, madaxweynihii xilka ka sii degayay ee Burundi, Pierre Nkurunziza, ayaa u geeriyooday xanuun ay dad badan uga shakiyeen Covid-19
  • Ra`iisul Wasaaraha Ruushka Mikhail Mishustin ayaa laga helay fayraska bishii April waxaana la seexiyay isbitaalka isagoo laga helay calaamadaha fayraska oo isugu jiray kuwo dhexdhexaad ah iyo kuwo daran
  • Ra`iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa laga helay bishii March – saddex habeen ayuu ku baryay qeybta daryeelka gaarka ah ee isbitaal ku yaalla London, wuxuu markii dambe sheegay in shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalkaas uu uga mahad celinayo noloshiisa

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this