Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Shariif oo digniin culus kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, wuxuuna ka hadlay arrimaha taagan ee ku hareereysan siyaasadda Soomaaliya, ii xiisadda ka dhalatay ee ka taagan Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dalka uu ku jiro marxalad halis ah, isagoo dowladda dhexe ku tilmaamay mid ku fashilantay iney qabato doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Shariifka ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay dooneyso boob doorasho iyo in shacabka Muqdisho la dhibaateeyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Xaalada dalka meel aan wanaagsaneyn ayay mareysaa, Waxaa ka digeynaa in dalkaan dib loo celiyo waa arrin sharciga iyo dowladnimada ka soo horjeeda in hab aan fiicneyn la adeegsado sida ciidan iyo dagaal,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Dowladda waxaa laga rabaa inay albaabadeeda furto, madaxeeda furto, ninkii yimid waa baxaa, nin kasta oo yimaada waa baxaa, tusaale uma baahnidiin waa buuxaan, kursiga haddii la joogayo nabad iyo sharaf halagu wada joogo, haddii laga tagayo nabad iyo sharaf looga tago, dadka ayagoo mucaarad iyo muxaafad sharciga inay ku wada joogaan la rabaa, haddii si kale isu qadarin waayaan sharciga waa inuu u dhaxeeyaa.”

Mar uu soo hadal qaaday ciidamada lasoo buux dhaafiyay agagaarka xaafadda ay dagan yahiin musharaxiinta, Shariif ayaa ciidamada dowladda ugu baaqay inaan loo adeegsan waxyaabo ka baxsan sharciga,

Dhanka kale madaxweynahii hore wuxuu si adag ula hadlay madaxda dowladda, isla markaana digniin u diray, isagoo sheegay ineysan sharciga ilaalin doonin hadii ay ayaga ilaalin waayaan.

Ugu dambeyntii Sharifi Sheekh Axmed wuxuu sheegay in xafiiska madaxtooyada Soomaaliya lagu joogo sifo sharci ah, qof walba uu leeyahay wakhti uu kaga baxo xafiiska.

The post Daawo: Shariif oo digniin culus kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this