Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay kulankii dhexmaray Odayaasha Cadaado iyo RW Rooble?

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku sugan magaalada Cadado ee dowlad goboleedka Galmudug, wuxuun wali wata socdaalkiisii uu ku marayay qeybo ka mid ah gobolada dhexe.

RW Rooble wuxuu kulan wadatashi ah la qaatay waxgaradka degmada Cadaado, wuxuuna kaga maha celiyay sida ay hormuudka ugu yihiin nabadeynta iyo isku tashiga iyo isku duubnida bulshada Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu ku booriyay odayaasha dhaqanka iyo madaxda dowlad goboleedka Galmudug iney xoojiyaan arrimaha lagu xalinaayo tabaashooyinka iyo dhibaatooyinka qaar ee ka jira deegaanka.

Sidoo kale RW Rooble wuxuu ku baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo hay’addaha kala duwan ee maamulka Galmudug si loo xaliyo tabashooyinka taagan.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horreysay socdaal ku maraya gobollada dalka tan iyo markii xilka loo doortay, wuxuuna soo maray Puntland ka hor inta uusan soo gaarin Galmudug.

The post Maxaa looga hadlay kulankii dhexmaray Odayaasha Cadaado iyo RW Rooble? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this