Sign in to follow this  
Deeq A.

Boko Haram oo sii deysay boqolaal caruur iskuuley ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Legos (Caasimadda Online) – Sida ay sheegeen maamulka gobolka Katsina, boqollaal caruur iskuuley ah oo todobaadkii hore laga afduubtay iskuul caruurta lagu xanaaneeyo oo ku yaalla waqooyi galbeed Nigeria ayaa lasii daayay.

Afhayeen u hadlay gudoomiyaha gobolka ayaa xaqiijiyay in lasii daayay 344 arday oo la afduubtay, wuxuuna sidoo kale sheegay iney caafimaad qabaan.

Weerarka lagu afduubtay caruurtaan waxaa sheegtay kooxda Islaamiyiinta ah ee Boko Haram kuwaas oo la sheegayo iney qaar ka mid ah caruurta wali gacantooda ku jiraan.

Qoraalka lagu xaqiijiyay sii deynta caruurta ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo gudbiyay Kastina isla markaana ay la midoobi doonaan waalidkooda saacadaha soo socda.

Faahfaahin dheer lagama bixin sheekada dhabta ah ee arintaan, balse maamulka guud ee Gobolka wuxuu sheegtay iney arintaan tahay mid ah ka shaqeeyeen.

The post Boko Haram oo sii deysay boqolaal caruur iskuuley ah first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this