Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo joojiyey kulan uu caawa qabsanayey musharax madaxweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow oo caawa ah joojiyey xaflad lagu taageerayay Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow oo lagu qaban lahaa Hotelka Afriik oo ku yaalla agagaarka Isgoyska KM4.

Musharax Mustaf Dhuxulow ayaa xaqiijiyey in kulanka ay ciidamada dowladda amreen in la joojiyo waxyar un kahor markii uu billaaban lahaa, ayada oo ay qaban qaabadiisa ay socotay tan iyo shalay.

Mustaf Dhuxulow ayaa ku eedeeyay Ciidanka Nabad-Sugidda Qaranka inay ka dambeeyeen is hor-taagga lagu sameeyay kulankaas, wuxuuna intaas ku daray in amarka uu bixiyay Taliska Nabad-Sugidda.

Dhanak kale, warar aan helnay ayaa sheegaya in Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow uu goordhow qaban doono shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo tallaabada looga joojiyay kulanka lagu taageerayey.

Kulanka la baajiyey ayaa imanaya ayada oo sidoo kale ciidamada dowladda maanta lagu hareereeyey xaafadaha degan yihiin musharaxiinta mucaaradka ee ku dhow agagaarka garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid go’aansatay inay caburiso oo ay cadaadiso musharaxiinta, waxaana laga digayaa in tani ay horseedi karto isku dhacyo iyo magaalada ay ka dhacaan dagaallo.

The post Ciidamada DF oo joojiyey kulan uu caawa qabsanayey musharax madaxweyne first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this