Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaafuun oo laga wareejiyay Karkaar

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16082034585109825.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo khamiis ah shir-guddoomiyey kulan ay yeesheen Golaha Xukuumadda.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay xaaladda degmooyinka Puntland, saameynta duufaanta GATI, ansixinta xeerka dib-u-eegista xafiiska garyaqaanka guud iyo hab-raaca samaynta siyaasadaha hay’addaha dowladda.

Golaha ayaa la sheegay in ay ansixiyeen soo jeedin ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland u soo jeedisay Golaha oo ahayd in degmada Xaafuun laga soo wareejiyo gobolka Karkaar, lana hoosgeeyo gobolka Bari.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Golaha Wasiirada ay ansixiyeen hab-raaca samaynta siyaasadaha hay’addaha dowladda, oo todobaadkii hore ay madaxtooyadu u soo gudbisay Golaha.

Goluhu waxay kaloo ansixiyeen xeerka dib-u-eegista xafiiska Garyaqaanka Guud ee Puntland oo todobaadkii hore loo qeybiyey.

Shirka Golaha Wasiirada Puntland waxaa warbixin looga dhegaystay Guddiga loo xil saaray saameynta ka dhalatay duufaanta GATI ee ku dhufatay xeebaha Puntland, Guddiga ayaa Golaha la wadaagay warbixinta khasaaraha ka dhashay duufaanta iyo baahiyaha ka jira deegaanka si gurmad loo gaarsiiyo.

PUNTLAND POST

The post Xaafuun oo laga wareejiyay Karkaar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this