Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Kormeeray Goobaha Ay Ka Socoto Is-diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu Ee Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray goobaha ay ka socoto wejiga labaad ee is-diiwaangenlinta cod-bixiyayaasha ee ku yaalla degmooyinka kala duwan ee ay ka kooban tahay caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha oo uu wehelinayo guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen ( Axmed Cabdi-dheere), ayaa soo indho-indheeyey hannaanka ay is-diiwaangelintu ka socoto goobaha gudaha caasimadda, waxana uu kormeerkiisa kusoo maray goobo ku yaalla degmooyinka Axmed-dhagax, Maxamed Mooge, Axmed Macallin Haaruun iyo Ibraahim Koodbuur, isaga oo halkaas kusoo arkay dadweyne safaf ugu jira sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen, islamarkaana warbixinno ka dhegaystay saraakiisha Komishanka Doorashooyinka u qaabilsan goobahaas oo si habsi leh u gudanayey shaqadooda.

Booqashada madaxweynaha, ayaa timi iyada oo codsi ka yimi shacabka dartii ay Komishanka doorashooyinku kordhiyeen muddadii ay hore ugu qoondeeyeen inay is-diiwaangelintu socoto oo Afar maalmood ahayd.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this