Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Madaxweynaha Faransiiska Macron oo Habaar ku dhacay oo la ildaran Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Faransiiska Macron oo Habaar ku dhacay oo la ildaran Coronavirus

macron.jpg

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa laga heley cudurka karoonaha, sida uu baahiyay xafiiskiisa.

42- jirkan ayaa la sheegay in uu maray baaritaan kadib markii lagu arkay astaamo la mid ah kuwa cudurka, wuxuuna hadda kadib muddo 7 maalmood ah galayaa is go’doomin si uusan dad kale u qaadsiin.

War murtiyeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Macron uu weli isaga xukunka sii haynayo, hawlihiisii shaqana sidii usii qabsanayo.

Faransiiska ayaa dhowaan soo rogey bandoow xiliga habeenkii ah si loo xakameeyo cudurka.Lama oga xilliga uu ku dhacay cudurka, balse xafiiskiisa waxa uu sheegay in la baarayo dhammaan dadkii ka ag dhowaa oo dhan.

Ra’isulwasaaraha dalkaa Jean Castex oo 55 jir ah ayaa isagana la sheegay in uu ku jiro is go’doomin iskiis ah kadib markii uu la kulmay qof xanuunka laga heley.

Warka madaxtooyada laguma sheegin in xaaska madaxweynaha Brigitte Macron, oo 67 jir a, iyadana laga heley xanuunka.

Maalintii arbacada oo keliya, Faransiiska waxa uu diiwaangaliyay 17 kun oo kiis oo cudurka ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this