Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Cali Afgooye Oo Balan Qaaday Sare U Sameeyay Ciyaartooyda Iyo Macalimiinta Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Kubbadda Cagta Koonfur Galbeed oo si wanaagsan ugu diyaar garowday tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 ayaa waxaa booqasho iyo dhiirigelin ugu tagay Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya,isagoo warbixin ka dhagaystay madaxda iyo Macalimiinta Koonfur Galbeed.

MVI_3646.MP4.00_00_06_10.Still001-1024x5

Maamulaha kooxda Koonfur Galbeed Nuur Xaaji Haafow (Nuur Ameeriko) ayaa Xildhibaan Afgooye kaga mahad celiyay booqashadiisa,isagoo sheegay in rajadooda ay tahay hanashada tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

MVI_3629.MP4.00_00_00_00.Still001-1024x5

Macallimiinta iyo Ciyaartooyda Koonfur Galbeed ayaa iyagana si wadajir ugu mahad celiyay Xildhibaan Afgooye booqashadiisa,iyagoo balan qaaday in ay ku guulaysanayaan tartanka Maamul Goboleedyada oo sanadii 2017 ay ku hareyn heerka Semi Fiinaalka.

Screenshot-2020-12-17-at-13.43.11-1024x5

“Hadii aad ku guulaystaan tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,waxaan idin balan qaaday in in aan idin siindoono abaal marin qaali ah,hadii aanu nahay Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaan diyaar u nahay in aan idin garab istaagno oo aan ka soo qeyb galano ciyaar aad ciyaaraysaan” ayuu saxafadda u sheegay Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya

MVI_3605.MP4.00_00_01_15.Still001-1024x5

Daawo Warbixin Ku Saabsan Booqashada Xildhibaan Afgooye

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this