Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar Oo Soomaaliya Ka Dalbatay Saldhiga Millatari Oo Laga Dhisayo Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaahira)-Dowladda Masar ayaa dooneysa inay dib u hagaajiso xidhiidhka ka dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya, si ay saldhig millatari uga sameysato dalka, islamarkaana uga hortagto saameynta Turkiga ee Soomaaliya, waxaa sidaas weriyey wargeyska Al-Monitor.

Wafti ka socda dowladda Masar, oo uu hoggaaminayey kaaliyaha wasiirka arrimaha dibedda Masar ee arrimaha Afrika Sherif Issa ayaa 6-dii December soo gaadhay Muqdisho, oo ay kula kulmeen wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirizaaq.

Mukhtar Ghobashy, oo ah ku-xigeenka madaxa xarunta Carbeed ee Daraaasaadka Siyaasadda, ayaa wargeyska Al-Monitor u sheegay in Masar ay aad uga walaacsan tahay saameynta iyo ku dhex-milanka Turkey ee Soomaaliya.

“Nasiib darro, sannadihii dhowaa, dalal Turkiga uu ka mid yahay ayaa awood u yeeshay inay ku dhex-milmaan Soomaaliya, ayaga oo siinaya gargaar, taasi oo u suurta-gelisay inay saldhig millatari ka dhistaan Muqdisho, 2017-kii. Taas darteed, Masar waxaa qasab u ah inay hagaajiso xidhiidhkeeda Soomaaliya, si ay taas miisaan ugu hesho,” ayuu yidhi Mukhtar Ghobashy.

Ghobashy ayaa sheegay in waftiga Masar laga yaabo inay intii lagu guda jiray safarkooda Muqdisho ay kala hadleen dowladda federaalka in Qaahira ay saldhig millatari ka sameysato Muqdisho.

Ma cadda waxa ay dowladda Soomaaliya ka yeeli doonto arrintaas, hase yeeshee dalalka Turkey iyo Qatar oo saameyn xooggan ku leh dowladda federaalka ayaa la rumeysan yahay in ayna sinnaba u ogolaan doonin saldhig ay Masar ka sameysato Muqdisho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this