Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar Ka Mid Ah Wasaaradaha Mareykanka Oo Weeraro Internet-Ka Ah Lala Bartilmaameedsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa waxay sheegtay in weerarkii dhanka internetka ee lagu qaaday hanaanka dowladda fedaraalka ee la ogaaday maalmihii ugu dambeeyay uu ahaa mid culus islamarkana wali socda.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen FBI iyo laamaha kale ee ammaanka inay ka shaqeynayaan sidii ay wax badan uga fahmi lahaayeen ololaha ay wadaan budhcadda jabsata internetka oo bilaabmay bishii March.

Isniintii, saraakiisha Mareykanka ayaa waxay sheegeen in weerarkani dhanka internetka ay suuragal tahay in uu ka yimid Ruushka islamarkana lagu jabsaday hanaanka waaxyaha Maaliyada iyo Ganacsiga Mareykanka.

Budhcadani internet-ka ayaa waxay bartilmaameedsadeen in ka badan 18,000 isugu jira shirkado gaar loo leeyahay iyo kuwa dowladdeed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this