Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Rooble oo $200,000 ugu deeqay dhismaha garoonka Caabudwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamed Xuseen Rooble ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan gudaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa ballan qaaday in xukuumaddiisu ay wax ka dhisi doonto garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in $200,000 (Labo boqol oo kun oo Dollar) ay dowladda federaalka ku bixineyso dhismaha wajiga labaad ee garoonka Caabudwaaq.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhismaha garoonkan uu muhiimmad gaar ah u yeelanayo Caabudwaaq, Galmudug iyo guud ahaan dalka.

Bulshada ku dhaqan Caabudwaaq ayaa horay si is-xilqaan ah ugu dhistay illaa 3-KM oo qeyb ka ah garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, waxaana haatan socda qorshe lagu sii ballaarinayo, garoonkaas oo muhiim u ah Galmudug iyo shacabkeeda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this