Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo xiray waddooyinka magaalada Muqdisho + sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyada oo la soo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gaadiidka noocyadiisa ka celinayo waddooyin ka Maka Al-Mukarrama, jidadka soo gala degmooyinka Xamarweyne & Xamarjajab.

Wararka ayaa sheegaya in waddooyinkaas loo xiray dibad-bax ballaaran oo lagu taageerayo dowladda federaalka ah Soomaaliya, kadib xiriirkii ay u jartay dhiggeeda dalka Kenya.

Banaan-baxa oo ay ka qeyb-galayaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

Maalin ka hor ayey aheyd markii dibad-baxyo la soo abaabulay oo rabshada dhaliyey ay ka dhaceen xaafado ka tirsan waqooyiga magaalada Muqdisho.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this