Deeq A. Posted December 17, 2020 Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM Lt. Gen. Diomede Ndegeya ayaa maanta kulankii billaha ahaa la yeeshay taliye yaasha qeybaha ee ciidanka AMISOM. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray oo looga hadlay qorshaha iyo talaabooyinka ka hirgalay howlgalka sare u qaadidda amaanka iyo la socodkiisa Diyaar garoowga AMISOM taageerida amaanka doorashooyinka Soomaaliya ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa kulanka. Qorshaha mustaqbalka dhow ee ku wareejinta amaanka ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saraakiishu ka wada hadleen. View the full article Share this post Link to post Share on other sites