Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu maxkamadeynayo Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin looga shakiyey inuu ka tirsan yahay Xarakada Al-Shabaab, islamarkaana lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee sannadkii 2001 ayaa la hor-geeyey maxkamad ku taala dalkaasi.

Shaqsigaasi oo u dhashay isla dalka Kenya, magaciisana lagu sheegay Cholo Cabdi Cabdulaahi ayaa Talaadadii la soo dhaafay loo gacan geliyey Mareykanka, iyadoo sannadkii 2019-kii lagu qabtay wadanka Filibiin.

Cholo ayaa la xiriirinayaa inuu isku dayey afduubka mid ka mid ahayd diyaaradaha ganacsi oo uu doonayey inuu ku weeraro gudaha dalka Mareykanka.

Ninkaasi ayaa la sheegay in tababar la xiriira xaga duulinta diyaaradaha uu ku qaatay dalka Filibiin, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Mareykanka.

Lix kiis oo argagixisinimo ayaa la soo hordhigay kadib markii uu ka soo muuqday maxkamadda magaalada New York, iyadoo eedeymaha loo heysto ay ka mid yihiin inuu taageero siiyey kooxo argagixiso oo ajaaniib ah, isku day shirqool oo lagu dilo muwaadiniin Mareykanka ah iyo afduubka diyaarad rakaab ah.

Bishii January ee 2019 ayaa waxaa Al-Shabaab ay qarax is-miidaamin ah ka fuliyeen hotel ku yaalla Nairobi halkaas oo lagu dilay 21 ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Mareykan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this