Deeq A. Posted December 17, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Askar ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu soo daadiyey isgoysyada muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub. Sidoo kale ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa baabuurta dadweynaha, kuwa gaarka loo leeyahay iyo mootooyinka ka celinayo waddooyinkaasi. Dadweynaha ayaa sidoo kale maalaya caagahooda, si ay u gaaraan goobaha ay rabaan, iyada oo xirnaashaha jidadkaan ay si weyn u saameysay dadka dhacabka ah. Wararka ayaa sheegaya in sababta loo xiray waddooyinkaasi ay tahay qabashada dibad-bax lagu taageerayo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kaas oo mar dambe la hakiyey iyo sidoo kale mid kale oo lacag cabsi qabo inay dhankooda dhigaan xubnaha mucaaradka. Si kastaba xaaladda Muqdisho ayaa ah mid kacsan, iyada oo maalin ka hor ay ka dhaceen dibad-baxyo rabshada watay oo sababay dhimasho & dhaawac. The post Maxay tahay sababta loo xiray jidadka magaalada Muqdisho? first appeared on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites