Sign in to follow this  
Deeq A.

CC SHAKUUR oo arrin kale la xiriiriyey xirnaashaha waddooyinka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hadlay xirnaashaha jidadka Muqdisho oo ay saaka ku soo waabariisteen shacabka ku dhaqan caasimada, kadib markii lagu soo daadiyey ciidamo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay inay tahay sanadkii labaad oo la xirayo jidadka, iyada oo laga hortegayo xuska 17-kii December oo ah markii uu dhacay wararkii lagu qaaday hoygiisa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamo badan la dhigay goob-kasta oo lagu tuhmayo in lagu qabanayo barooq-diiqda dadkii lagu dilay weerarkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa sanadkii labaad oo shacabka Muqdisho waddooyinka laga xiro, iyadoo laga hortegayo xuska 17 December. Waxaa ciidan la dhigay goob kasta oo lagu tuhmayo in xuska lagu qabanayo, wadda kastana waa la xiray,” ayuu yiri C C Shakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Madaxweyne Farmaajo isaga ayaa amray xasuuqa, islamarkaana diiddan xusuusta iyo baroordiiqda. Xusku wuu dhacayaa ee Madaxweyne shacabka waddooyinka u fur,”

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta loo xiray waddooyinka ay tahay in maanta la qabanayo dibad-bax lagu taageerayo dowladda, sidoo kalena laga cabsi qabo inuu dhaco mid kale oo looga soo horjeedo madaxweynaha & dowladdiisa.

Si kastaba ha’ahaatee Muqdisho ayaa wajaheysa xaalad adag iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

The post CC SHAKUUR oo arrin kale la xiriiriyey xirnaashaha waddooyinka Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this