Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo xadka Soomaaliya & Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo magaalada Mandera ee gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya ayaa sheegaya in cabsi xoogan ay soo wajahday shacabka ku nool magaaladaasi.

Cabsida ayaa timid kadib markii ciidamo ka tirsan malatariga Soomaaliya ay dowladda federaalka ah gaysay xadka ay wadaagaan labada wadan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee halkaasi ka socda ay ku yeelan karaan saameyn xoogan.

Sarkaal sare oo ku sugan magaalada Mandera oo diiday in magaciisa uu sheego ayaa xusay in ciidamada Soomaaliya ee halkaasi la geeyay ay wataan gaadiid dagaal.

Arrintan ayaa xadka labada dalka abuurtay xiisad iyo weliba cabsi soo wajahday dadka ku dhaqan deegaanka oo ay horey u saameeyeen weeraradi Xarakada Al-Shabaab.

Is-bedalka keenay in agagaarka Mandera ay xiisad ka dhalato ayaa ka dambeeyey, kadib markii uu ka sii daray khilaafka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this