Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar ka mid ah shacabka oo ka hadlay dibad-baxyadii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay banaan-bax rabshado watay oo sababay isku dhac dhex-maray ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo maleeshiyaad hubeysan, iyadoo sidoo kale ay arintaasi ka hadashay bulshada ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.

Dadweynahan oo la hadlay Shabelle ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dibad-baxaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac intaba.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in xilligan aysan Soomaaliya u baaheyn in dib loogu celiyo fowdo iyo dagaallo sokeeye.

Ugu dambeyn shacabka aan la hadalnay ayaa ugu baaqay dowladda inay xoojiso howl-gallada lagu sugayo amniga Muqdisho oo dhowaan ay ka dhaceyso doorasho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this