Sign in to follow this  
Deeq A.

Safaarada Somalia ee Kenya oo war cusub soo saartay, farriina u dirtay Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa isu diyaarineysa in albaabada loo xiro gebi ahaanba, waxeyna joojisay dhammaan adeegyadii ay u heysay dadka Soomaaliyeed ee dalkaas dariska ah ku sugan.

Xafiiska wuxuu soo saaray qoraal uu dadka ku ogeysiinayo iney fulinayaan go’aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya, kaas oo xiriirka diblomaasiyadeed ay ugu jartay Kenya, waxaana gabi ahaan la hakiyay hawlahii ay bulshada u heysay.

Dhamaan dadka Soomaaliyeed ee hawlaha looga hayay xafiiska safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa loo sheegay iney soo xaadiraan Khamiista si loogu wareejiyo documents-kooda.

“Iyadoo la fulinayo go’aanka dowladda, waxaa la hakiyay dhammaan adeegyadii safaaraddu bixinaysay, qof kasta oo baasaboor dalbaday ama sugayay waxaan ogaysiinaynaa in uu soo doonto ugu dambeyn maalinta Khamiista ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya.

Kenya waxaa ku nool Soomaali fara badan oo deegaan ka dhigay ama ganacsiyo ku leh, aad ayeyna u saameyn doontaa maadaama marin muhiim ah ay bulshada Soomaalida u aheyd halkaas.

Dadka Soomaalida ee ku nool Kenya ayaan heli doonin adeegyadii ay ka heli jireen xafiiska safaaradda Soomaalida ee dalkaas, lamana oga inta ay gaari karto saameynta ay dareemi doonaan shacabka halkaas ku nool.

Arinkaan wuxuu daba socdaa go’aankii ay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jarta Kenya iyadoo ku eedeyneysa iney arrimaha siyaasadeed ee dalkaas ay soo faragaliyeen, gaar ahaan arrinta Jubbaland iyo sidoo kale taageerada musharaxiinta mucaaradka.

The post Safaarada Somalia ee Kenya oo war cusub soo saartay, farriina u dirtay Soomaalida first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this