Sign in to follow this  
Deeq A.

Hiiraan oo maamul cusub laga qorsheynayo iyo wararkii ugu dambeeyey socdaalka Janeraal Mukhtaar

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimdda Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee xukuumadda Soomaaliya Janeraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa wali ku mashquulsan xal u helidda doodda ka dhalatay doorashadii HirShabelle, isaga oo ku sugan magaalada Beledweyne.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamo uu hogaaminayo Janaraal Xuud ay ka hor yimaadeen in magaalada Beledweyne uu soo gaaro madaxweynaha la doortay ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Wasiirka wuxuu kulamo saacado badan qaatay la yeeshay Janaraal Xuud oo ay wehliyaan odayaasha dhaqanka magaalada Beledweyne, waxaana warar ay Caasimada Online ka heleyso ilo madax banaan ay sheegayaan in wali xal loo heli la’yahay arrimo badan oo ku saabsan doorashadii HirShabelle ee dhawaan qabsoontay.

Wasiirka ayaa si kasta oo uu isugu dayey waxa uu ka dhaadhicin waayey beeshiisa inay maamulka Cali Guudlaawe aqbasho, waxaana ay soo hordhigeen shuruudo ay adag tahay in la fuliyo, kuwaasi oo uu ku gacan seeray inuu soo qaado.

Janaraal Xuud oo ah hogaamiyaha maleeshiyaadka kasoo horjeeda maamulka la dhisay ayaa sheegay iney muddo ku kooban 15 cisho ay ku dhisi doonaan maamul ay ugu magac dareen Hiiraan State, isla markaana ay ka go’i doonaan maamulka HirShabelle.

Beesha Jeneral Xuud ayaa aaminsan in la hareer maray habkii awood qeybsida beeleed ee markii hore lagu dhisay maamul goboleedka HirShabelle, oo madaxweynaha ay ka heleen.

Maamulka cusub ee Jeneral Xuud uu ku hanjabay ayaa haddii uu ka dhabeeyo waxay sii fogeyn doontaa xalaadda HirShabelle, oo markii horeba ay qastay dowladda Soomaaliya oo madaxa isku gelisay beelaha dega gobolka.

The post Hiiraan oo maamul cusub laga qorsheynayo iyo wararkii ugu dambeeyey socdaalka Janeraal Mukhtaar first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this