Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo war ka soo saartay doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Beesha Caalamka ayaa si adag uga hadashay arrimihii u dambeeyey ee siyaasadda Soomaaliya, waxaana looga hadlay arrimaha doorashooyinka oo loogu yeeray dhinacyada Somaalida in ay garowsadaan muhiimadda doorashada.

Sidaas oo kale qoraalka waxaa lagu xusay In la xisaabtami doono, dhammaan tabashooyinka si loo xaliyo ayaa dhinacyad aloogu baqay wada hadal deg deg ah oo ay tahay in ay dhammaan qeyb ka noqdaan.

Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee dhowaa la qabtay ayaa u suurtagelisay dhammaan dhinacyada ku lugta lahayd inay si furan isu weydaarsadaan fikradaha ku saabsan arrimaha hadda ka socda dalka iyo in lagu heshiiyo Xayndaabka Isla-xisaabtanka Labada Dhinac ee 2021, kaas oo dejinaya arrimaha waaweyn ee mudnaanta leh ee siyaasadda loo dhan yahay, amniga iyo cadaaladda, iyo arrimaha bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Hase ahaatee, saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka * waxay weli si qotodheer uga walaacsan yihiin isafgaranwaaga hadda ka taagan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka 2020/21. Waxaa sidoo kale loo baahanyahay wadahadal iyo heshiis dheeri ah sida loo xaqiijin doono qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee guddiyada, ergada dhexdooda, iyo kuraastaba.

Isafgaranwaagaas ayaa u baahan in lagu xalliyo qaab ixtiraamaya heshiiskii siyaasadeed ee 17-kii bishii Sebtembar iyo hab-maamuusyada hirgelinta ee ay wada saxiixdeen madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka (DXF) 1dii bishii Oktoobar. In la billaabo hannaan is barbar socda ama in la isku qasbo guddiyada maareynta doorashada ee lagu muransan yahay ee aan buuxin shuruudihii lagu heshiiyey waxay wiiqeysaa sharcinimada hanaanka doorashada waxayna abuureysaa xasillooni darro.

Sidaa darteed, waxaan mar kale ku celinaynaa baaqii aan u jeedineyno madaxda Dowladda Federaalka iyo DXF inay si deg deg ah dib u kulmaan ayna la xiriiraan saamilleyda kale si loo xalliyo tabashooyinka ku saabsan maareynta geedi socodka doorashooyinka iyadoo lagu xallinayo isafgarad wadar ogol ku dhisan si ay dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda, daah furnaan, oo kalsooni lagu qabo oo oo ay wada aqbalaan dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka. Si taas loo gaaro, waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ah inuu isugu yeero kulan ay madaxdu isugu yimaadaan magaalada Muqdisho ka dib booqashooyinka uu hadda ku marayo Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka.

Waxaan diyaar u nahay inaan taageero siino guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleedba marka wadahadalka lagu xallinayo khilaafka ka taagan xubnaha ay ka kooban yihiin si guul leh lagu soo gabagabeeyo. Daahfurnaan iyo niyad sami oo lagu hirgeliyo geeddi-socodka doorashooyinka sida ku xusan xeerarka lagu heshiiyay ayaa sido kale muhiim noqon doona.

Waxaan sidoo kale carrabka ku adkeyneynaa in kulammada joogtada ah ee madaxda Federaalka iyo kuwa DXF inta lagu gudajiro howlaha doorashada iyo sii wadida dareenka niyad samida ah ee Dhuusomareeb ee isu tanaasulka ah ay gacan ka geysan doonto in howlaha doorashada ay ku sii socdaan wadada saxda ah. In kulamada noocan ah ee madaxda laga dhigo kuwo habaysan waxay gacan ka geysan doontaa ka hortaga dib u soo noqoshada ismariwaaga siyaasadeed ee daba dheeraaday. Si taas loo gaaro waxaan ku boorinaynaa dhinacyada inay xusuustaan ballanqaadyadii lagu sameeyay Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee hoos imanaya Xayndaabka Isla-xisaabtanka Labada Dinac ee 2021 ee lagu ballanqaaday hannaan doorasho oo nabadgelyo ah oo ku saleysan wadahadalka hadda socda, iyo in la dejiyo qaab wadahadal laga yeesho geeddi-socodkan oo kulma ugu yaraan hal mar bil kasta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this