Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu RW Rooble ka yiri saraakiishii lagu dilay Galgaduud?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa marka hore uga tacsiyadeeyay ehellada iyo saaxiibadii saraakiishii ka tirsanaa ciidamada millateriga Soomaaliya ee lagu dilay duleedka degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Rooble oo ka hadlayay munaasabad loogu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in saraakiisha ay ahaayeen kuwo u adeegayo Bulshadooda, hayeeshee ay dileen dad arxan laawayaal ah oo diidan horumarka socda.

Sidoo kale madaxda Galmudug iyo laamaha amniga ayuu ku amray inay si deg deg ah gacanta ug soo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay Saraakiisha ka tirsanaa Ciidamada qeybta 21aad, isaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay gacan ku siin doonto.

Saraakiisha la laayey oo gaaraya lix ayaa xilliga la dilayay waxaa ay ka tageen Xero Ciidan oo ku taallaGuriceel, waxaana dilkooda la sheegay in uu salka ku hayo aanooyin qabiil.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this