Sign in to follow this  
Deeq A.

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo ku dhawaaqday go’aanno culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo ay ka sii dareyso xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta safaaradda Soomaaliya ee Nairobi waxay ay joojisay dhammaan shaqooyinkeedii maalinlaha lahaa, iyada oo ku dhawaaqday in la hakiyey howlihi ay safaaradda u qaban jirtay dadweynaha.

Qoraal ka soo baxay safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo ay tahay 16-ka December la joojiyey adeegyadii kala duwana ee ay bixin jirgtay safaaradda.

Sababta ayaa waxaa lala xiriirinayaa go’aankii ay dowladda Soomaaliya xiriirkii diblumaasiyadeed ugu jartay xukuumadda Nairobi.

Sidoo kale diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo noqonaya dalka, si loo fuliyo amarkii iyo go’aankii dhowaan ka soo baxay dowladda dhexe.

Dhinaca kale waxaa saacadaha soo socda magaalada Nairobi ku wajahan xubnaha midowga musharraxiinta mucaaraadka ee u taagan xilka madaxweynaha ee 2021-ka.

Musharraxiinta ayaa lagu soo warramayaa in halkaasi ay kulamo kula qaadan doonaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo iyana ku sii jeeda dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in dhinacyadaasi ay ka shiri doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dooda ka taagan dhismaha guddiyada doorashooyinka dalka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana weli is jiid-jiid uu ka jiraa hannaaka loo wajahayo doorashada oo ay isku hayaan dowladda iyo mucaaradka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this