Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ra’iisul wasaare Rooble oo ballan-qaad u sameeyey GALMUDUG

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku joogo magaalad Dhuusamareeb ayaa kulan la yeeshay golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada-shaqeynta Galmudug kala dhexeyso iyo arrimo kale.

Rooble oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn boggaadiyey shaqooyinka u qabsoomaya golaha wasiirada Galmudug, isaga oo kula dar-daarmay inay laba jibaaraan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Sidoo kale wuxuu balladan qaaday in xukuumaddiisa ay gacan weyn siin doonto Galmudug, si ay uga gubto caqabadaha heysta maamulkaasi.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu booqdo deegaano kale oo ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa Rooble wuxuu waday safaro uu ku kala bixinayey xarunta dowlad goboleedyada ka jira dalka, isaga oo booqday magaalooyinka Baydhabo iyo Garoowe oo uu u tegay arrimo la xiriira xalinta muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

131503550_3560730717297264_1834717451625 131275805_3560730187297317_6169938627029 131325905_3560730160630653_5698729229308 131454390_3560730763963926_8367382282468 131466967_3560730657297270_5203008245473

The post Sawirro: Ra'iisul wasaare Rooble oo ballan-qaad u sameeyey GALMUDUG first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this