Sign in to follow this  
Deeq A.

FILISH oo dibad-baxyadii Muqdisho la xiriiriyey Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa si adag uga hadlay dibad-baxyadii rabashadaha watay ee shalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, isagoo la xiriiriyey inay ka dambeeyeen kuwo u adeegaya dowlada Kenya.

Cumar Filish ayaa sheegay in dibad-baxyadaasi laga lahaa dano gaar ah, islamarkaana ay ka qeyb-qaateen dad indhaha soo duubtay oo ‘u adeegaya Kenya’, kana xun go’aankii ay gabi ahaan Soomaaliya xiriirkii diblomaasiyadeed ugu jartay xukuumadda Nairobi.

“Mar haddii dadkeenii uu noqday kuwo u jilicsan cadawga, kuwo annaga naga mid ah oo ayaga ay leeyihiin ayaa rabshado bilaabay, Waxaan baraha bulshada ku arkay kuwo Indhaha uu u duuban yahay, waana kuwo u adeegaya Kenya,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey in wax laga xumaado ay tahay in la burburiyo waddooyinka laamiga ah ee dhowaan la dhisay, si loo hormariyo Muqdisho.

“Waxaan indhaheyga ku arkay laamigii bilo kahor aan dhisnay oo taayaro waaweyn lagu gubayo, wadadii aad codsateen in la idin dhiso oo hada dhismaheedu socdo, idinkood u jeeda qaar yar oo aan waxba ogeyn inay taayaro ku shidaan wadada, waa taas cabsida aan qabo” ayuu yiri guddoomiye Cumar Maxamed Maxamed (Cumar Finish).

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay gudaha caasimada ay ka dhaceen dibad-baxyo watay rabshadooo looga soo horjeeday madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

The post FILISH oo dibad-baxyadii Muqdisho la xiriiriyey Kenya first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this