Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka amniga oo war kasoo saaray dibad-baxyadii Muqdisho, digniin culusna diray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo ka hadlay banaanbaxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay soo abaabuleen dad wax magarato ah, isagoo tilmaamay in lagu wax-yeeleynayey amniga.

Waxa uu sheegay in ciidamadii Qaranka oo u taagan inay ka hor tagaan dad is qarxinaya in lagu soo abaabulay dad wax magarato ah, oo sida uu sheegay qoryo wata.

“Dad wax magarad ah oo jidadka lasoo tubay iyagoo qoryo wata, taas macneheedu waa in ammaankii lagu soo duulay, in colaad la abuuray, in ciidanka ammaanka shaqadiisii la dhantaalay, in bulshadii dhibaato loo geystay, waxii rabshado ahaay ee dhacay waan ka tacsiyadeyneynaa,” ayuu yiri.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Wixii dhacay waxaa mas’uuliyadeeda iska leh oo arrintaas dusha saaranaya dadka lagala talinaayo isu-imaadyada noocaas ah oo laga yaabo xataa in qof is qarxinaaya uu isku soo dhex tuuro,” ayuu yiri wasiirka amniga dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay inay ka digayaan in arrintii maanta oo kale ay mar kale soo noqoto, isla markaana la wada ilaaliyo nabadda bulshada.

“Iyadoo ciidankii u taagan yahay inuu ilaaliyo bulshada nabadeeda, in dad kale ay soo abaabulaan wax mudaharaad lagu sheegay oo nabadii dhaawacaya oo rabshado abuur ah,  lama arag weli dad banaanbaxaya oo BKM lagu hor sido, waa wax ugub nagu ah, wax aan yeeli doono inay nagu soo laabtaana maaha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Xundubey.

Hoos ka Daawo

The post Wasiirka amniga oo war kasoo saaray dibad-baxyadii Muqdisho, digniin culusna diray first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this